Saturday, October 5, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Madaxwayne Xasan Sheekh oo sheegay in Turkiga ay ugu dhawyihiin dowladaha kale ee caalamka.

Sabti 06 julay 2024 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay abaalka ay dowladda Turkiga u gashay Soomaaliya, hadalkaan ayuu maanta Xasan Sheekh ka jeediyey xarunta TurkSom ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa balan qaaday in Soomaaliya ay maalin un gudi doonto abaalka ay u gashay dowladda Turkiga, isagoo ku amaanay sida ay goor kasta u garab taagan yihiin qaranimada Soomaaliya.

“Turkigu xili adag ayey nagu dhiirigeliyeen inaan wax qabsa karno, waxay nala soo garab istaageen agab, qalab iyo aqoon, maalintii aan difaac o baahanay oo cadow nagu habsaday inaan iska dul qaadno aan go’aansanay waa nasoo garab istaageen,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in dowlado badan ay taageeraan Soomaaliya, balse Turkigu uu Soomaalida kaga dhowyahay dowladaha dhan, isagoo ku amaanay sida ay u dhowraan sharafta iyo karaamada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Walaalaha Turkiga waxay naga gacan siiyeen dhinacyo badan sida dagaalka Khawaarijta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedna way u abaal celin doonaan Turkiga goor ay ahaataba, Soomaalidu waa dad ku haboon in abaal la gashado,” Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay dadka Soomaaliyeed ee u safra dalka Turkiga inay dhowraan sharciga, sharafta iyo karaamada ay ka mudan yihiin dadka Turkida ah, si lamid ah sida ay u dhowreen shatciga iyo kala dambeynta Soomaaliya.

“Abaalka ay Turkigu noogaleen waxaan ugu gudi karnaa in waxa ay na bareen aan si fiican uga faa’iideysano iyo markii aan dalkooda tagno in kala dambeyn aan muujino oo dhaqankooda iyo shuruucda dalkooda aan aad u dhowrno,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa maanta hadalkaan ka jeediyey dugsiga tababarada ciidanka xoogga dalka ee TurkSom, halkaas oo tababar uu ugu soo xiray dufcadii 6-aad oo saraakiil Gorgor ah, kuwaas oo sanado uu tababar culus uga socda dugsiga TurkSom, madaxweynaha ayaa saraakiishaan kula dardaarmay in furimaha dagaalka ay wax badan ka bedelaan

WARARKA