Saturday, October 5, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Kalfadhiga baarlamanka Soomaaliya oo maanta ka furmaya villa hargaysa.

Sabti 06 julay 2024 {HMC} Sabtiga berri waxaa xarunta golaha shacabka ee Villa Hargeysa ka furmaya kalfadhigga 5-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furaya kalfadhigga, isagoo ka jeedi doona khudbad la wada sugayo.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in kulanka berri uu ka jeediyo khudbad xasaasi ah, wuxuu mar kale si adag uga hadli doonaa damaca Itoobiya uga jira badda Soomaaliya iyo arrimo kale oo masiiri ah, sida dastuurka.

Maalmaha soo socda waxaa dib u bilaabaneysa doodii dastuurka, baarlamaanka Soomaaliya ayaa qorsheynaya inay meel mariyaan cutubyo hor leh, ilaa 5 cutub ayaa hadda diyaarsan, kuwaas oo golaha la marsii doono maalmaha soo socda, sida ay ogaatay Warbaahinta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa shaaciyay in kalfdhiyada soo socda ee baarlamaanka lagu dhameystiri doono arrimaha dastuurka, xilli ay xiisad xooggan ka dhalatey 4-tii cutub ee baarlamaanku horey u meel-mariyay.

Aadan Madoobe oo ka gaabsaday inuu shaaciyo qodobadda sida gaarka ah loo horgeynayo baarlamaanka ayaa waxa uu sheegay inay yihiin kuwo muhiim ah oo qeyb ka ah dhameystirka dastuurka

“Mudaneyaasha waxay xilliyada soo socda ka doodi doonaan hindise sharciyeedyo wax ku ool ah oo gaaraya illaa 14,” ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe oo ka qeyb-galay wareysi siiyey Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kal-fadhiyadii hore lagu ansixiyay shuruuc badan oo ay kamid ahaayeen la-dagaalanka kooxda AS, kuwo khuseeyay arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo kuwo kale.

Guddoomiyaha ayaa uu ugu dambeyntiina wuxuu faray shacabka Soomaaliyeed inay u midoobaan cadowgooda, isla markaana ay gacan wax ku ool ah ka geystaan horumarka dalka.

WARARKA