Saturday, October 5, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Axmed Madoowe oo Digniino Kasoo Saaray Dagaalka ka Socdo Degmada Luuq.

Sabti 06 julay 2024 {HMC} Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Baaq Nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay tahay wax aan loo baahnayn dagaalka u dhexeeya dadka walaalaha ah ee ku nool degmada Luuq ,iyadoo dadka deegaanka ay kasoo kabanayaan saamaynta fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay sannadkii hore walina ay jirto saamaynta ay xaaladaas ku reebtay nolosha bulshada.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in khasaaraha ka dhashay dagaalkan ee naf iyo maalba leh ay taabanayso dhammaan dhinacyada loona baahan yahay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo joojiyo dagaalka.

Madaxweynahu wuxuu digniin adag u diray askarta ku milmaysa shaqaaqadan, isagoo xusay in askariga ku lug yeesha dagaalkan talaabo adag laga qaadi doono.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa faray maamulka gobolka, kan Degmada luuq iyo hay’adaha amniga gobolka oo kaashanaya odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay u istaagan sidii shaqaaqadan loo joojin lahaa.

WARARKA