Saturday, October 5, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweyne Erdogan oo rajo ka muujiyey xabad-joojin ka dhacda Gaza

Jimco 05 julay 2024 {HMC} – ANKARA — Wadamada Reer Galbeedka waa in ay ku cadaadiyaan Israel in ay aqbasho soo jeedintii ugu dambeysay ee xabad joojinta Gaza, waxaa maanta sidaas yiri madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Erdogan oo la hadlay warbaahinta Haberturk ayaa intaas ku daray in uu aaminsan yahay in xabad joojin dhab ah ay suurtagal tahay.

“Kadib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu taleefoon kula hadlay (Ra’iisul wasaaraha Israa’iil) Benjamin Netanyahu, waxaan rajeynayaa in xabad joojin kama dambeys ah lagu xaqiijiyo dhowr maalmood gudahood si xasuuqa Israel uu u soo dhamaado,” ayuu Erdogan u sheegay suxufiyiinta, isaga oo ka soo laabtay Kazakhstan.

Dhinaca kale, dadaallda lagu xaqiijinayo xabbad-joojinta iyo sii deynta la haystayaasha ee Gaza ayaa isa soo tarayay Jimcaha maanta ah ka dib markii Xamaas ay soo jeedisay hindise dib loo eegay oo ku saabsan qodobbada heshiiska, Israa’iilna ay sheegtay inay dib u billaabi doonto wada-xaajoodyadii hakadka galay.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa u sheegay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden Khamiistii inuu soo diri doono wafdi si ay dib ugu billaabaan wadahadallada.

Sarkaal Israa’iili ah ayaa sheegay in kooxda dalkiisa uu hoggaamin doono madaxa hay’adda sirdoonka ee Mossad.

WARARKA