Saturday, October 5, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Wafdigiisa Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Gaaray Magaalada Baqdaad ee Dalka Ciraaq

Jimco 05 julay 2024 {HMC} – Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Hamza Abdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa xalay gaaray magaalada Baghdad ee caasimadda Jamhuuriyadda Ciraaq.

Ra’iisul Wasaaraha oo booqasho rasmi ah oo dhawr cisho ah ku joogi doona dalka Ciraaq ayaa inta uu joogo waxa uu kulamo muhiim ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalkan Ciraaq Ra’iisul Wasaare, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaaraha wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay u ambabaxay dalka Jamhuuriyadda Ciraaq, kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Ciraaq

WARARKA