Sunday, July 7, 2024
spot_imgspot_img

Xuddur oo halis ugu jirta inay gacanta u gasho kooxda Alshabaab

khamiis 04 julay 2024 {HMC} Alshabaab ayaa qarka u saaran inay la wareegaan Gacanta ku haynta degmada Xudur ee gobolka Bakool, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolkaasi, Maxamed Cabdi Tall. Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay soo badanayaan walaacooda xagga amniga.

Guddoomiyaha Bakool ayaa walaacaan u sababeeyay hub la’aan, iyo maleyshiyo beeleedyada ku dagaalamaya gobolka Bakool, kuwaas oo uu sheegay inay fursad siinayaan kooxda Alshabaab.

Gudddoomiye Tall ayaa dowladda Federaalka ku dhaliilay in ay ka gaabisay adkaynta amniga gobolka Bakool oo ay go’doomiyeen Alshabaab.

“Waxaan wajahaynaa khatar weyn oo ah in Al-shabaab ay la wareegaan, waxaa nagu hareereysan Al-shabaab, mana haysanno hub aan kula dagaalanno, khatar weyn ayaan ugu jirnaa in ay na dilaan maleeshiyaadka iyo maleeshiyo beeleedka” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Bakool.

Wuxuu intaas ku daray in Dowladda Soomaaliya aysan wax badan ka qaban sidii shacabka looga badbaadin lahaa dilalka joogtada ah ee ka dhacaya gobollada Koonfureed.

Kooxda al-Shabaab ayaa si kastaba ha ahaatee, sanadkii hore lumisay magaalooyin istiraatiiji ah oo ku yaala bartamaha Soomaaliya, kadib markii la bilaabay wajigii koowaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ciidamada XDS ayaa la filayaa in bilaha soo socda ay kala wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland’Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq,

Axad 07 julay 2024 {HMC}  Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland'Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq, HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada

Axad 07 julay 2024 {HMC} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA