Sunday, July 7, 2024
spot_imgspot_img

Weerar culus oo aargudasho ah oo lagu qaaday Israa’iil

khamiis 04 julay 2024 {HMC}  Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in ay ku duqeeyeen in ka badan 200 oo gantaallo ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano Drones-ka, iyaga oo ku bartilmaameedsaday fariisimaha ciidamada Israel, taasoo jawaab u ahayd weerar lagu dilay taliye sare oo ka tirsanaa Xisbullah.

Ilo wareedyo ka tirsan Xisbullah ayaa xaqiijiyay duqeymaha Khamiista maanta ah la beegsaday Israel uu yahay weerarkii labaad ee ugu weynaa muddo labo maalmood gudahood ah, weerrakan ayaana ah mid loogu aargudayo dilkii Muxammad Nimah Nasser katirsanaa saraakiisha Xisbullah.

Naasir, oo sidoo kale loo yaqaan “Xaj Abu Nimah”, ayaa ahaa sarkaalkii saddexaad ee darajada sare leh ee lagu dilo dagaalka Xisbullaah iyo Israel u dhaxeeya billo gudahood, waxa ayna geerida sargaalkan keentay in kooxda Xisbullaah jawaab adag oo deg deg ah ka bixiso.

Weerarkan oo dhacay Khamiistii ayaa ahaa midkii ugu waynaa ee ilaa hadda ka dhaca xadka Lubnaan iyo Israa’iil, iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda u dhaxeysa kooxda oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn u dirtay dhowr saldhig oo ciidan oo ku yaalla waqooyiga Israa’iil iyo buuraha Golan ee Suuriya ee la haysto.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadoodu ay “duqeymo ka fuliyeen koonfurta Lubnaan” ka dib markii “madfacyo badan iyo bartilmaameedyo laga shakisan yahay ay ka soo gudbeen Lubnaan una galeen dhulka Israel”, kuwaas oo intooda badan la qabtay.

Waxa ay sheegtay in “dab uu ka kacay dhowr goobood oo ku yaalla waqooyiga Israa’iil” ka dib weerarrada.

Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in gaari ay la socdeen ciidamada Israel oo gudaha ku jiray uu ku dhacay madfac. Waxaa lagu soo waramayaa in laba weerar oo toos ah lagu qaaday laba dhismo oo mid ku yaal Acre iyo mid kale oo waqooyiga magaalada ka xiga. Adeegga ambalaasta Magen David Adom ayaa sheegay in laba dumar ah loo qaaday cusbitaal ku yaal waqooyiga Israa’iil oo dhaawacyo fudud qaba.

Toddobo iyo toban digniin ayaa laga dhawaajiyay in ka badan 90 daqiiqo qaybo kala duwan oo ka tirsan gobolka waqooy ee Israa’iili, laga bilaabo Nahariya ee galbeedka ilaa Golan ee bari, sida uu sheegay militarigu.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland’Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq,

Axad 07 julay 2024 {HMC}  Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland'Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq, HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada

Axad 07 julay 2024 {HMC} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA