Sunday, July 7, 2024
spot_imgspot_img

R/wasaare Xamza oo weerar Culus ku qaaday Muuse Biixi

Qamiis 04 julay 2024 {HMC} Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa su’aal geliyay miyir-qabka Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, xilli magaalada Muqdisho shalay ka daah furay Toddobaadka Qaran ee Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayey qorshaha Itoobiya ku dooneyso inayu ku qaadato dhulka iyo badda Soomaaliya ayuu sheegay in arrintaasi aysan yeeli doonin dadka Soomaaliyeed, ayna dhacday in dadka Gobollada Waqooyi ay ka horjeesteen.

“Madax Soomaali ah qaar ka mida ayey ka suuroobeen wax aan la fileyn, waxaana heerkaas na gaarsiiyey inaan 3- sano hoos u soconnay, caqligeenii, hankeenii iyo qabkeenii burburayey…. laakiin haddii ay in khaldantay, qaar kale ayaa miyir qaba,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

Mar uu si toos ah u soo qaaday Muuse Biixi ayuu sheegay inuu ka mid ahaa saraakiishii ciidamada cirka dowladii Soomaaliya ee Kacaanka, wuxuuna soo qaatay sheeko dhex martay nin diblomaasi ah iyo Muuse Biixi.

“Diblomaasi la kulmay Muuse Biixi ayaa ii sheegay inuu mar ay kulmeen muddo saacad barkeed ah ugu faanay dagaalkii 1977, balse markii uu weydiiyay inuu xilligaas khaldanaa oo hadda uu saxsan yahay, ay dhacday inuu aad u xaqaanay Muuse Biixi… markii uu miyir qabo…”

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya wuxuu mar kale caddeeyay inaan marna la aqbali doonin damaca Itoobiya ku dooneyso inay dhul Soomaaliyeed ku qabsato.

Waxa uu dadka Soomaaliyeed ugu baaqay Ra’iisul Wasaaruhu in ay ka difaacdaan dalkooda iyo hantidooda cadow walba oo isku daya in uu qaato, isaga oo xusuusiyey kaalintii ay haldoorka Soomaaliyeed ka soo qaateen difaaca dalka iyo Qarannimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland’Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq,

Axad 07 julay 2024 {HMC}  Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland'Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq, HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada

Axad 07 julay 2024 {HMC} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA