Sunday, July 7, 2024
spot_imgspot_img

Muxuu Yahay Baaqa uu Madaxweyne Qoor Qoor u diray Beesha Caalamka?

khamiis 04 julay 2024 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo xiray Shirka Madasha Barnaamijka Xasilinta & Soo kabashada oo diiradda lagu saarayay deegaannada la xoreeyay.

Shirkan oo Caasimadda Galmudug ee Dhusamareeb ka socday labadii maalin ee lasoo dhaafay ayna soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-U heshiinta Dowladda Galmudug, ayuu madaxweynuhu kaga mahadceliyay taabba gelinta shirkan.

Madaxweynaha ayaa si kooban u qiray horumarka iyo howlaha hortabinta leh ee ka socda dhammaan deegaannada la xasiliyay ee kol hore laga xoreeyay cadawga Khawaatijta ah, isagoo sheegay in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee lagu xoreynayo deegaanada Galmudug dib loo bilaabayo.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay xubnaha Beesha Caalamka inay sare u qaadaan Kaalmada Barnaamijka horumarinta iyo Xasilinta Galmudug, asagoona uga mahadceliyay dhammaan howlaha laga hirgaliyay Galmudug.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa shirar doceedyo la yeeshay Saraakiil ka socotay Safaaradda UK iyo USAID.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland’Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq,

Axad 07 julay 2024 {HMC}  Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland'Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq, HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada

Axad 07 julay 2024 {HMC} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA