Sunday, July 7, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweeynaha Turkiga oo dhax dhaxaadinaya labo dal oo dagaal u dhaxeeyo

khamiis 04 julay 2024 {HMC} Madaxweynaha dalka Turkiga Raceb Tayyip Erdogan, ayaa shaaciyay in dowladiisa diyaar u tahay in ay dhax dhaxaadiso dowladaha Ruushka iyo Ukraine oo u dhaxeeyo dagaal dabadheeraaday dhiig badana uu ku daatay.

Erdogan oo kulan gaar ah la qaatay dhigiisa dalka Ruushka Vladamir Putin , ayaa u sheegay in dowladiisa diyaar u tahay dhameynta iyo xal u helida dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukrain, waxa uuna xusay in nabadeyn caddaalad ah oo ku habboon labada dhinac la sameyn karo.

Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa sidoo kale kala hadlay dhigiisa Putin dagaalka ka socda magaalada Gaza iyo xasuuqa ciidamada Israel u geesanayaan shacabka Falastiin, waxa ayna isla qaadaa dhigeen labada dhinac sida ugu habboon ee colaada loo soo gabagabeyn karo duullaankaasi.

Dhinaca kale afhayeen u hadlay Madaxweynaha dalka Ruushka, ayaa kahor yimid dhax dhaxaadinta Madaxweyne Erdogan, waxa uuna sheegay in Madaxweyne Erdogan uusan door dhax dhaxaadin ah ka qaadan karin dagaalka Ruushka iyo Ukraine u dhaxeeya.

Dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine ayaa socda muddo ka badan 28-bil , mana muuqato ilaa hadda dedaalo xal loogu raadinayo si dagaalkaasi waqtigiisa dheeraaday dhiiga badana uu ku daatay loo soo afjari lahaa.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland’Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq,

Axad 07 julay 2024 {HMC}  Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland'Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq, HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada

Axad 07 julay 2024 {HMC} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA