Sunday, July 7, 2024
spot_imgspot_img

FAAH-FAAHIN; dagaal qaraar oo dhaxmaray ciidamada keenya iyo AS.

Qamiis 04 julay 2024 {HMC} Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo maanta ciidamada milatariga dowladda Kenya iyo kooxda AS ku dhex maray qaybo kamid ah gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan ismaamulka magaalada Wajeer ee dalkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii AS ay weerar dhabagal ah ku qaadeen kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya oo mararayay duleedka magaalada Wajeer, waxaana kadib xigay dagaal toos ah.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana uu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

Saraaakiil u hadashay dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka uga yimid AS, ayna khasaare gaarsiiyeen xubnaha AS.

Ugu yaraan illaa 4 xubnood ayaa kooxda AS looga dilay dagaalka, halka ciidamada Kenya dhankooda uu ka dhintay hal askari, mid kalena uu ku dhaawacmay, sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa nawaaxiga magaalada Gaarisa oo ah halka lagu dagaalamay.

Kenya oo ciidamo ay ka joogaan gudaha Soomaaliya ayaa weeraro kala kulanta kooxda AS oo badana beegsata deegaanada dhaca xadka labada waddan.

Muddooyinkii u dambeeyay weerarada AS ee Waqooyi Bari ayaa sii kordhayay, waxaana sidoo kale gobolka ciidamo badan oo milatari ah kusoo daabushay Kenya, si ay u xaqiijiyaan amniga guud ee waddankaasi.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland’Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq,

Axad 07 julay 2024 {HMC}  Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland'Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq, HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada

Axad 07 julay 2024 {HMC} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA