Sunday, July 7, 2024
spot_imgspot_img

Doowladda Masar oo ka carootay hadal ka soo yeeray Wasiir Israaiili ah

khamiis 04 julay 2024 {HMC} Wasiirka Hidaha ee Israa’iil, Amichai Eliyahu ayaa ku baaqay in loo baahan yahay inay Israa’iil qabsato gacanka Siinaay ee dhulka Masar, isagoo u sheegay Israa’iiliyiinta inay isku diyaariyaan dhulka Siinay.

Dowlada Masar ayaa hadalka ka soo yeeray Wasiirkan ku tilmaantay wax lala yaabo, uuna astaan u yahay jahwareerka heysta maamulka Netanyahu.

Israel ayaa qabsatay gacanka Siinaay dagaalkii ay la gashay Masar 1967dii hase ahaatee waxay si nabad ah uga baxeen markii ay heshiis nabadeed la galeen Masaarida.

Hadalkan wuxuu ku soo aaday, waxyar kaddib markii ay Israa’iil soo saartay sharci ku baaqaya inay la wareegto dooxada Jordan ee xadka Daanta Galbeedka iyo dalka Jordan.

Israa’iil ayaa meel-marisay sharci ay ku qabsanayaan dhulkii ugu ballaarnaa oo ku yaalla Daanta Galbeedka ee Falastiiniyiinta, tan oo lagu sheegay deegaameyntii ugu ballaarnayd ee Israa’iil ay ku doonayso inay ku burburiso dhulka Falastiiniyiinta muddo ka badan 30 sanno kaddib, laakin waxa cusub markan ayaa ah in sidoo kale ay Israa’iil ansixisay inay qabsato 12.7 kiiloomitir oo laba jibaaran oo ay gudaha ugu galayso dooxada Jordan (Jordan Valley) oo ah aagga muhiimka ah ee isku xira Daanta Galbeed iyo dalka Jordan.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland’Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq,

Axad 07 julay 2024 {HMC}  Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland'Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq, HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada

Axad 07 julay 2024 {HMC} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA