Sunday, July 7, 2024
spot_imgspot_img

burcad badeedda Soomaalida oo la sheegay in ay tiro ahaan iyo awood ahaanba ay sii kordhayaan

khamiis 04 julay 2024 {HMC} Weerarada kooxaha Xuutiyiinta ee Iran ay taageerto ka geysanayaan badda cas ayaa fursad u noqotay kooxaha burcad badeeda Soomaalida, iyadoo burcad badeedda tiro ahaan iyo awood ahaanba ay sii kordhayaan, sida uu sheegay taliyaha howlgalka ciidamada badda ee Midowga Yurub.

Xuutiyiinta Yemen ayaa sanadkii hore bilaabay inay weeraraan maraakiibta ku sugan badda cas si ay ugu cadaadiyaan Israel iyo xulafadeeda inay joojiyaan dagaalka marinka Qaza.

Vice Admiral Ignacio Villanueva, taliyaha hawlgalka Midowga Yurub ee u xilsaaran xakamaynta budhcad-badeedda, ayaa sheegay, burcad badeeddu in ay ka xooggan yihiin sidii horey loogu aqoon jiray.

Villanueva waxa uu sheegay in weerarrada burcad badeedda ay fulinayaan kooxo si fiican u hubaysan, u abaabulan oo tiro ahaan ka badan sidii hore.

“Waxaan la kulannaa 25 ama 30 burcadbadeed ah oo isku weerar ah,” ayuu yiri Villanueva. “Burcad badeeddu waxay si fiican u adeegsanayaan telefoonada dayax-gacmeedka iyo hubka culus,” ayuu yiri Ignacio.

Bishii la soo dhaafay, falaagada Xuutiyiinta ayaa qaaday tiradii ugu badneyd ee weerarrada lagu qaado maraakiibta ganacsiga, iyadoo lala beegsaday 16 markab, sida lagu sheegay xogta ay daabaceen ciidamada badda ee ka howlgala gobolka.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland’Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq,

Axad 07 julay 2024 {HMC}  Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland'Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq, HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada

Axad 07 julay 2024 {HMC} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA