Sunday, July 7, 2024
spot_imgspot_img

Abiy Axmed oo sheegay in Hal saac lagu dhamayn karaa Khilaafka Ethiopia iyo Soomaaliya

khamiis 04 julay 2024 {HMC}  Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia, Abiy Axmed ayaa sheegay in aan loo baahneyn in Soomaaliya ay ku wareegto dalalka deriska iyo kuwa kale, iyadoo ka dacwoonaysa faragalin ay Ethiopia ku hayso midnimada Soomaaliya.

Abiy Ahmed oo maanta la hadlayay baarlamaanka dalkiisa, ayaa wuxuu sheegay, in hal saac lagu dhameyn karo khilaafka Soomaaliya iyo Ethiopia.

“Aad ayay u sahlan tahay sababtoo ah wax dagaal ah oo aan la galnay dowladda Soomaaliya ma jirto, Laakiin taa beddelkeeda, dowladda Soomaaliya waxay dooratay inay adduunka kusoo wareegto oo na eedeyso,” yuu yiri RW Abiy.

“Taladaydu waa, lacag ha khasaarinina; “Ma jirto baahi loo qabo in lagu soo wareego waddamo kale si naloo dacweeyo, iyadoo ay suurtagal tahay in Addis Ababa noogu timaadid. Waxaan diyaar u nahay wadahadal, ayuu yiri raysal wasaaraha, isaga oo intaas ku daray in qarashka Soomaaliya uga baxaya safarka dibadda uu ku wanaagsan yahay dhismaha iskuul ku fadhiya 1km oo Muqdisho laga dhiso oo ay Shacabka faa’iideysan doonaan.

Raysal Wasaare Aby Ahmed ayaa sheegay in ay Soomaaliya u hureen nabad, isamarkaasna xisbiga talada haya ee dalkiisa uu muujiyay ixtiraamka uu u hayo Soomaaliya iyo dadkeeda. Waxa uu xusay in ay awood siiyeen Soomaaliya, islamarkaasna aysan wax su’aal ah ka qabin arrimaha mdinimada Soomaaliya.

“Itoobiya ma rabto kala goynta Soomaaliya; uma hureen caruurteedii” hadday taas rabto,” ayuu yiri Aby Ahmed.

Isagoo ka hadlayay heshiiskii is-afgaradka (MoU) ee 01-kii Janaayo (MoU) ee Somaliland, Abiy ayaa sheegay in la saxiixay ka dib markii Itoobiya ay heshiiskaas hor dhigtay dhammaan dalalka deriska.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland’Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq,

Axad 07 julay 2024 {HMC}  Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland'Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq, HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada

Axad 07 julay 2024 {HMC} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA