Sunday, July 7, 2024
spot_imgspot_img

Aadan Madoobe oo amar ku Bixiyay in La Xulo Baarlamaanka Soomaliya Ku Matalayo (EAC)

khamiis 04 julay 2024 {HMC}  Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo ku qabsoomay xarunta guddoonka Iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka furay ayaa ugu horeyn xubnaha Guddiga Joogtada u faahfaahiyay safaro mudadii uu goluhu xirnaa ku tagay dalka Turkiga halkaas oo uga qeyb galay shir caalami ah oo arrimaha Falastiin looga hadlayay isaga oo sheegay in shirkaasi Soomaaliya ay ka cadeysay mowqifkeeda ku aadan qadiyada Falastiin.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa faahfaahin ka bixiyay safar isaga Iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku tageen wadanka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti halkaasi oo uu kulamo mira dhal ah kula qaatay dhigiisa dalka Jabuuti iyo madaxda kale ee wadankaasi.

Dhinaca kale Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka warbixiyay safar uu ku tagay Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya halkaas oo uu uga qeyb galay kulankii 17-Aad ee guddoomiyaaasha baarlamaanada wadamada ku bahoobay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa (EAC), kaasoo looga hadlayay xalinta caqabdaha hortaagan horumarinta ajendayaasha ururka, waxaana Guddoomiyaha uu shirkaasi ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayay muhiimadda Soomaaliya ay u leedahay ku biirista ururka gaar ahaan kaalinta kaga aadan Baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa amar ku bixiyey in sida ugu dhaqsiyaha badan loo xulo xubnaha Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa (EAC).

Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa ka dooday furitaanka kalfadhiga shanaad ka dib ajendayaasha horutabinta u leh fadhiyada guud ee Golaha Shacabka, waxaana Guddoomiyaha oo kulanka soo xiray uu kula dardaarmay xubnaha Guddiga Joogtada ah in ay xooga saaraan howlaha baaxada leh ee Golaha horyaala kalfadhiga shanaad si looga shaqeeyo shuruucda muhiimka u ah horumarka dowladnimo ee dalka.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland’Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq,

Axad 07 julay 2024 {HMC}  Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland'Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq, HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada

Axad 07 julay 2024 {HMC} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA