Sunday, July 7, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Gabar Muddo la la’aa oo la helay Meydkeeda

khamiis 04 julay 2024 {HMC} Waxaa maanta miyiga degmada Xarfo ee gobolka Mudug laga helay meydka gabar yar oo 9-sanno jir ahaa, taa oo la waayay muddo bil ku dhaw, waxaana baadigoobka gabadhan oo socday ugu dambeyn saakay loo tagay meydkeeda oo is bedelay.

Gabadhan ayaa muddo 22-maalin ah lagu la’aa nolol iyo geeri, waxaana aagga gabadha lagu waayay ka socday baadigoob dad badan iska kaashadeen oo lagu raadinayay gabadhan oo waayitaankeeda dareen badan abuuray.

Qaar kamid ah dadkii baadigoobka ugu jiray gabadha yar ayaa saakay tagay goob ay ku geeriyootay gabadhan, lamana oga ilaa hadda in gabadhan u geeriyootay harraad iyo baahi iyo in ay sababsatay aadane ama bahallo cuneen.

Qalfoofta meydka gabadha kasoo haray ayaana saakay laga qaaday goobtii laga helay, waxaana gabadha loo sameeyay aas, ehelada gabadha ayaana u mahadceliyay cid kasta oo gabadhan radainteeda ka qeyb qaadatay.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland’Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq,

Axad 07 julay 2024 {HMC}  Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland'Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq, HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada

Axad 07 julay 2024 {HMC} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA