Sunday, July 7, 2024
spot_imgspot_img

yahuuda oo meel marisay sharci ay ku qabsanayaan dooxada Jordan

Arbaco 03 julay 2024 {HMC}  Israa’iil ayaa meel-marisay sharci ay ku qabsanayaan dhulkii ugu ballaarnaa oo ku yaalla Daanta Galbeedka ee Falastiiniyiinta.

Tan ayaa lagu sheegay deegaameyntii ugu ballaarnayd ee Israa’iil ay ku doonayso inay ku burburiso dhulka Falastiiniyiinta muddo ka badan 30 sanno kaddib, laakin waxa cusub markan ayaa ah in sidoo kale ay Israa’iil ansixisay inay qabsato 12.7 kiiloomitir oo laba jibaaran oo ay gudaha ugu galayso dooxada Jordan {Jordan Valley} oo ah aagga muhiimka ah ee isku xira Daanta Galbeed iyo dalka Jordan.

Meesha ay ku taal ee xudduudda Jordan iyo  Daanta Galbeed ayaa dooxadan siisay muhiimad istiraatijiyadeed oo gaar ah ee danaha amniga Israa’iil, halkaasoo haddii ay Israa’iil gacanteeda ka baxdo isku xiraysa dhulka Falastiiniyiinta iyo dalalka Carabta.

Laakin taasoo jirta hadana dooxadan waxaa loo arka inay lama huraan u tahay madax bannaanida dawladda Falastiin ee mustaqbalka, sababo la xiriira inay ka dhigayso dal xadduud la leh dalal badan oo muhiim u ah Falastiiniyiinta, waxaana ay Israa’iil gacanta ku dhigtay dooxadan ku taalla badda dhimatay dagaal lix maalmood socday oo ay Israa’iil la gashay Jordan, sannadkii 1967.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland’Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq,

Axad 07 julay 2024 {HMC}  Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland'Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq, HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada

Axad 07 julay 2024 {HMC} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA