Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

xukun lagu riday Macalin Dugsi oo gowracay gabar ay ehel ahaayeen

Arbaco 03 julay 2024 {HMC} Maxkamad kutaalla magaalada Gaaria ee gobolka waqooyi bari dalka Kenya, ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday, macalin dugsi Qur’aan ka ahaa magaalada Wajeer oo lagu helay in uu gowracay gabar 16-sanno jir ay ilmo adeer ahaayeen.

Macalin Nuur Cabdi Axmed, ayaa maxkamadda sare ee Gaarisa ku heshay in uu gowracay dil bareer ahna u geestay Genyo Nuur Axmed, oo ahayd 16 jir ardayad aheyd, waxa uuna dilkan bishii May ee sannadkii 2016-kii ka dhacay deegaanka Kutulo ee hoos yimaada degmada Tarbaj ee hoos tagta ismaamulka Wajeer.

Garsoore John Onyiego oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee magaalada Gaarisa ayaa 12-sanno oo xabsi ah ku xukumay Macalin Nuur Cabdi Axmed oo lagu helay dilka Genyo Nuur, kiiskan dilka ah dacwadiisa ayaana qaatay muddo sideed sanno ah.

“Waxaan ogaaday in xeer ilaalintu ay caddeeyeen kiiska dilka ah ee ka dhanka ah eedaysanaha, sidaas darteed, waxaan ku helay dambiga lagu soo oogay, waana xukumay si waafaqsan sharciga,” ayuu yiri Garsooraha Onyiego. Waxa uu sidoo kale sheegay in 12-ka sano ay ku jirto 3 sano iyo bar oo uu xabsiga ku jiray oo uu sugayay xukunka dilka lagu soo eedeeyay.

Ehelada gabadha la dilay ayaa dhankooda sheegay in aysan ku qanacsaneyn xukunka jilicsan ee lagu riday ninka gabadhooda dilay, waxa ayna sheegeen in xukunkaasi lagu riday dilaaga ayba lamid tahay isaga oo gurigiisa si caadi ah u jooga.

“Marnaba kuma qanacsanin xukunka 12-ka sano ah ee lagu riday Nuur Cabdi Axmed waxayna noola mid tahay in aan la xirinba oo uu aqalkiisa joogo marka marnaba kuma qanacsanin xukunka.” ayuu yiri Aamin Dhimbil Axmed oo adeer u ah gabadha la dilay.

Ninka dilka u geestay gabadha ardayada ah ayaa la sheegay in ay ahaayeen ilmo adeer, waxaana dad badan argagax ku abuuray dilkaasi oo 8-sanno kahor dhacay, iyadoona baarista kiiskan in muddo ah socotay ugu dambeyn caddaatay in macalinka dilay gabadha walaashiis ah.

WARARKA