Sunday, July 7, 2024
spot_imgspot_img

Maxeey Tahay Koxda dagaalka kula jirta Mareykanka oo Putin gantaalo halis ah siinayo?

Arbaco 03 julay 2024 {HMC}  Madaxweynaha Ruushka,Vladimir Putin ayaa lagu warramaya inuu ka fikirayo inuu kooxda Xuutiyiinta Yemen ku wareejiyo gantaallada lidka maraakiibta ee ballistic-ga, kuwaaso gacan ka siin kara inay quusiyaan maraakiibta diyaaradaha xambaara ee Mareykanka oo ku sugan badda cas, sida laga soo xigtay saraakiil sare oo ka tirsan Mareykanka.

Xuutiyiinta ayaa horey loo rumeysan yahay inay heystaan ​​gantaallada lidka maraakiibta ee P-800 Oniks oo Ruushku sameeyay, kuwaaso loo soo mariyay Suuriya iyo Lubnaan ka hor inta aan la keenin Yemen.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Dhaxal sugaha boqortooyadda Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan uu si walba isku dayayo inuu Putin ku qanciyo inuusan Xuutiyiinta u dirin gantaallada lidka maraakiibta.

Ruushka ayaa horey u sheegay inuu hubeyn doono kooxaha ka horjeeda mareykanka iyo xulafadiisa ee ku sugan bariga dhexe iyo meelo kale, isagoo ka aargudanaya taageerada reer galbeedku siinayaan Ukraine.

William Usher, oo hore u ahaan jiray fallanqeeyaha sare bariga dhexe ee hay’adda sirdoonka Mareykanka CIA , ayaa u sheegay wargeyska warbixintan soo bandhigay ee Middle East Eye kororka isku dhacyada Israa’iil iyo Xisbullah inay u badan tahay in ay sii qoto dheereyso iskaashiga milatari ee ka dhexeeya Iran iyo Ruushka si loo xoojiyo awoodda difaaca ee Xisbullah.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland’Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq,

Axad 07 julay 2024 {HMC}  Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland'Waan la xisaabtameynaa dadka hurinaya dagaalka Luuq, HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada

Axad 07 julay 2024 {HMC} Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo bogaadiyey howlgallada ciidamada HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA