Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Gudaha dalka Mareykanka oo lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Arbaco 03 julay 2024 {HMC} Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Maxamed Aadan Xareed ayaa waxaa la sheegay in muwaadin kale oo Soomaaliyeed uu ku dilay magaaladda Lakeville ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Dilka uu u geystay ninkan Soomaaliga ah muwaadinka kale ayaa ka dhacay Banaanka Shirkadda Amazon oo ay ka wada Shaqeeynayeen, sida ay Warbaahinta u sheegeen Dhalinyaro Soomaali ah oo ku sugnaa Goobta uu dilka ka dhacay.

Ciidamo katirsan Booliska Mareykanka ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo sheegay inay wadaan baaritaano la xiriira sababta ka dambeeysa dilka, iyaga oo haya muuqaalo ay duubeen Camerooyinka ku xiran Goobaha Ganacsiga.

Qaar kamid ah Soomaalida kunool magaaladda Lakeville ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay dilkaas, iyaga oo laamaha Amniga ka dalbaday in gacanta lagu soo dhigo Ninka dilka geystay.

WARARKA