Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

DFS oo Shacisay Shuruudaha Laga Rabo Macalimiinta Cusub oo aay Qaadaneyso Doowladda

Arbaco 03 julay 2024 {HMC} Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Doowladda Fadaraalka Soomaaaliya

Ayaa Shaacisay Sharuudaha Laga Rabo Macalimiinta Cusub oo aay wasaradu Qaadaneeyso.

Hoos Ka Aqriso Sharuudaha Macalimiinta Cusub ee Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya.

 

𝐁. 𝐒𝐡𝐮𝐫𝐮𝐮𝐝𝐨 𝐆𝐮𝐮𝐝:
Shuruudaha guud ee codsadaha looga baahanyahay waxaa ka mid ah in uu:
1. Heysto shahaaddada darajada koowaad ee heer jaamacadeed oo ay wasaaraddu aqoonsan tahay.
2. Ka gudbo imtixaanka qaadashada macallimiinta oo ah qoraal iyo af.
3. San lahayn balwad caafimaadkiisa, shaqadiisa, go’aan qaadashadiisa ama sumcaddiisa bulshada dhexdeeda wax u dhimmi karta.
4. Leeyahay akhlaaq fiican iyo dulqaad, ka fayowyahay cudurrada la is qaadsiiyo, aanu lahayn iin wax u dhimi karta gudashada xilkiisa.
5. San horay u galin fal dambiyeed maxkamad xukuntay.
6. Da’diisu u dhaxayso 22-60 jir.
7. Leeyahay xirfado dad la dhaqan wanaagsan iyo wadashaqeyn.
8. Diyaar u yahay inuu ka shaqeeyo goobta lagu qoro.
𝐓. 𝐁𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐮𝐠𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐇/𝐃𝐡𝐞𝐱𝐞
Baraha codsanaya dugsiyada hoose/dhexe waa inuu dhigi karaa ugu yaraan afar ka mid ah maadooyinka lagu dhigo dugsiyada hoose iyo dhexe.
𝐉. 𝐁𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐮𝐠𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐬𝐚𝐫𝐞
Baraha codsanaya dugsiyada sare waa in uu haysto shahaadada kulliyada waxbarashada
Baraha codsanaya dugsiyada sare waa in uu dhigi karaa, ugu yaraan, laba (major/minor) ka mid ah maaddooyinka dugsiyada sare lagu dhigo
𝐗. 𝐃𝐮𝐠𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐧𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝𝐚
Baraha codsanaya dugsiyada xannaanada waa in uu dhigi karo dhammaan maaddooyinka dugsiyada xannaanada lagu dhigo.
Waa inuu fahamsan yahay baahiyaha carruurta yaryar.
𝐂𝐨𝐝𝐬𝐢𝐠𝐚:
Codsiga shaqada waa qaab online ah, iyadoo la buuxinayo dhammaan xogaha codsiga ku jira lana soo raacinayo dokumentiyada hoos ku xusan:
𝐋𝐢𝐟𝐚𝐚𝐪𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐤𝐚 𝐚𝐡:
1. Nuqul shahaaddada iyo xogta dhibcaha (transcript) heerka 1aad ee jaamacadda.
2.Nuqul taariikh nololeedka (CV) oo ku qoran Af Soomaali.
3. Hal sawir oo la qaaday labadii bil ee ugu dambeysay.
𝐅𝐢𝐢𝐫𝐨 𝐆𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡:
Gabdhaha waxaa lagu dhiirrigelinayaa in ay fursadahan ka faa’iideystaan, Codsiyadoodana qadarin gaar ah la siin doono.
Codsade walba waxa uu soo gudbin karaa, oo keliya, hal dalab, isaga oo ku caddeynaya halka degmo ee uu ka shaqeynayo.
𝐓𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐝𝐚 𝐜𝐨𝐝𝐬𝐢𝐠𝐮 𝐤𝐮 𝐞𝐠𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐚 𝐉𝐮𝐥𝐲 𝟏𝟓, 𝟐𝟎𝟐𝟒. 𝐒𝐚𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝟏𝟎:𝟎𝟎 𝐏𝐌

WARARKA