Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Markab nuuca Dagaalka oo soo gaaray Badda Boosaaso

Arbaco 03 julay 2024 {HMC} Markab nuuca dagaalka ah oo leeyihiin ciidamada Midowga Yurub, gaar ahaan kuwa u xilsaaran howlgallada ilaalada badda Soomaaliya, ayaa soo gaaray meel u dhaw xeebta magaalada Boosaaso ee gobolka Bari maamulka Puntland.

Agaasime Ku-xigeenka guud ee ciidamada PMPF Mudane Maxamuud Silaal Cumar oo ay weheliyaan saraakiisha sar-sare ee ciidamada PMPF ayaa kulan kula qaatay Badda dusheeda saraakiisha mid ka mid ah maraakiibta Dagaal ee Midowga Yurub.

Mudane Maxamuud Silaal Cumar iyo taliyaha guud ee Markabka Admiral Manuel Alvargonazalez Mendez oo ay weheliyaan Saraakiil kale ayaa ka wadahadlay xoojinta wadashaqaynta labada dhinac, dar-dargelinta hawlgallada ka dhan ka ah burcad-badeedda, kalluumaysiga sharcidarada ah, hubka sharcidarada ah, daroogada, la-dagaalanka argagixisada badaha iyo waxkasta oo liddi ku ah amniga iyo xasiloonida.

Sidoo kale intii kulanku socdey waxaa si dhow la isula qiimeeyey maxsuulka ka dhashay wadaagista xogaha falalka Burcad-badeedda iyo guulaha laga gaaray hawlgallada wadajirka ah ee lagaga hortegey, kuwaasi oo horseeday in si dhow loola socdo xogtooda, lana fashiliyo goor-horeba isku daygooda abaabulan ee bad iyo beriba.

Ugu dambayn, taliska guud ee ciidamada PMPF iyo Hawlgalka EUNAVFOR Operation ATALANTA ayaa hoosta ka wada xariiqay in si ka dhaw sidii hore loo horumariyo hawlgallada iyo iskaashiga xogaha amniga badaha, si looga hortago goor-horeba falalka amnidaro ee ka dhicikara badda oo ay ugu mudan tahay kuwa Burcad Badeedda iyo Argagixisada Badaha.

WARARKA