Friday, July 5, 2024
spot_imgspot_img

Xildhibaan CC Shakuur oo eedayn culus ujeediyay Gudoonka iyo xildhibaanada Federaalka.

Talaado 02 julay 2024 {HMC} Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa saluug ma muujiyey shaqada baarlamaanka federaalka oo xubin uu ka yahay, isagoo sheegay in hadda kadib uu ka fekerayo in uusan doonan kursi xildhibaan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya aysan ka shaqeyn masuuliyadda ay u qaadeen umadda Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah u dhaliilay guddoonka.

Wuxuu sheegay in guddoonku uu afduubto golaha, halka xildhibaanadu ay xeeriyaan duruuftooda, sidoo kale xukuumadda ayuu ku eedeeyey inay ku takri faleyso awoodeeda.

“Qaabka ay siyaasadu u sameysan tahay ayaaba naga qaldan, nidaamka baarlamaaniga ah ee dalkeena waxaa loogu tala galay in xildhibaanadu xisbiyo ka kala tirsan yihiin,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan.

Xildhibaanka ayaa sheegay nidaamka hadda lagu shaqeeyo ay dhibaato weyn ku qabaan, maadaama looga baahan yahay metelaad, xukuumaduna ay rabto in xildhibaanka ay dan ku heysato.

“Anigu waan ka fekerayaa in kurisi dambe oo xildhibaan aan raadiyo inta shaqada baarlamaanka ay sidaan tahay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo wareysigaan siiyey BBC.

“Aniga Xildhibaan ayaan ahay, dadka aan metelo waa isku dhibanahay, sababtoo ah waxay rabaan inaan dowladda u soo baryo, qofkii shaqo raba, kii waxbarasho aadaya, kii caafimaad raba iyo wax kasta oo dowladda looga baahnaa, aniguna ma aqaan nidaamkaas,” ayuu yiri CC Shakuur.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {04.07.2024}

Khamaiis 04 julay 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani Osoble Farsamadii :: Abdirahman...

{DAAWO MUUQAALKA} Burcad badeedda Soomaalida ay tiro ahaan iyo awood ahaanba ay sii kordhayaan

Khamiis july ,4 2024 (HMC) Burcad badeedda Soomaalida ay tiro ahaan iyo awood ahaanba ay sii kordhayaan HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA