Friday, July 5, 2024
spot_imgspot_img

Xasan Sheekh oo Faah-faahin ka bixiyay wadahadalka la sheegay in ay u furmeen DF iyo AS.

Talaado 02 julay 2024 (HMC) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa khudbad ka jeediyey munaasabad lagu soo gunaanaday dabaal-degyadii toddobaadka xoriyadda ayaa ka hadlay waxa ka jira wadahadaladii la sheegay in dowladda Soomaaliya ay la fureyso Khawaarijta AS.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in aysan jirin habayaraatee wax ay dowladdu kala hadli karto AS, isagoo hoosta ka xariiqay in uusan jirin xal aan aheyn in kooxdaasi ay hubka dhigto oo dowladda isku dhiibto.

“Maalmahaan waxaa baraha bulshada qabsatay dowladdu waxay wadahadal la fureysaa AS, waxaan idiin cadeynaa Shabaab iyo anaga wax naga dhaxeeya ma jiraan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Maxaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in kooxdaas aan la toosi karin, dowladuna aysan u baahneyn, “Hadii ay jiri lahaayeen waxyaabo aan dhihi karno sidaan ayaan rabnaa iyo waxaan ayaan idinka qaldan waa la hadli laheyn, waana hor fariisa laheyn,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa balanqaaday hadii Soomaali ay wadahadal la fureyso AS oo wax la isla ogyahay kala hadli doonto dowladdu.

“Hadii la helo wax aan isla qirno waan la hadleynaa, laakiin maanta wadahadalna ma jiro wax naga dhexeeyana ma jiraan weli,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyntii madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed ka codsaday in shakigaas ay ka baxaan, isagoo u cadeeyey in dowladdu aysan kaligeed qaada doonin go’aan hadii ay noqoto in wadahadal lala furo Khawaarijta.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {04.07.2024}

Khamaiis 04 julay 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani Osoble Farsamadii :: Abdirahman...

{DAAWO MUUQAALKA} Burcad badeedda Soomaalida ay tiro ahaan iyo awood ahaanba ay sii kordhayaan

Khamiis july ,4 2024 (HMC) Burcad badeedda Soomaalida ay tiro ahaan iyo awood ahaanba ay sii kordhayaan HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA