Friday, July 5, 2024
spot_imgspot_img

Turkey oo shaaciyay Arrin ay isku afgarteen Soomaaliya iyo Itoobiya kadib wada-hadalkii dhaxmaray.

Talaado 02 julay 2024 (HMC) Dowladda Turkey ayaa sheegtay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay isku raaceen in ay wsii wadaan wada-hadallada shalay ka dhacay Ankara ee aysan wax natiijo la taaban karo ah ka soo bixin.

Wada-hadallada ayaa si aan toos aheyn u dhex-maray wasiirada arrimaha dibedda labada dal Axmed Macallin iyo Taye Atske Selassie.

Dowladda Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri “Wadahadalka ayaa si weyn loogu kala aragti duwanaa, gaar ahaan Dowladda Soomaaliya oo mawqifkeedii hore ee ahaa in dawladda Ethiopia ay ka noqoto MoU-gii sharcidarrada ahaa ku adkaysatay iyo in aan wax gorgortan laga galeyn ilaalinta madaxbanaanida dhuleed ee dalkeenna oo u ah dowladda Soomaaliya lama taabtaan.”

Wasiirka arrimaha dibedda Turkey Hakan Fidan ayaa sheegay in wada-hadallada aysan aheyn fool ka fool balse labada dhinac ay si kala gooni gooni ah u fadhiyeen oo loo kala dab qaadayey.

“Wasiirradu, iyada oo loo marayo fududaynta Turkiga, waxay awood u yeesheen inay si gooni gooni ah u yeeshaan wada-hadal daacadnimo, niyad sami iyo aragti fog oo ku saabsan khilaafaadkooda iyo sahaminta aragtiyo ku wajahan sidii wax looga qaban lahaa hab la wada aqbali karo,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Hakan Fidan.

“Wasiirrada Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku celceliyay inay ka go’an tahay in si nabad ah lagu dhammeeyo khilaafaadka, waxayna sheegeen inay ku faraxsan yihiin inay Turkiga fududeeyaan.”

Fidan ayaa sidoo kale sheegay in wasiirrada ay isla garteen in la sii wado wada-hadallada socda si loo xalliyo arrimahooda, loona xaqiijiyo xasilloonida gobolka.

Wasiirada ayaa isku raacay in ay ku kulmaan Ankara 2-da September 2024 si ay u yeeshaan wareeg labaad oo wadahadal ah, sida uu sheegay Fidan.

“Labada dhinacba waxay dadaalkan uga mahad-celiyeen Mudane Recep Tayyip Erdoğan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Inkasta oo Soomaaliya iyo Turkey ay bayaano kasoo saareen wada-hadallada, haddan waxaan weli ka hadal Itoobiya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {04.07.2024}

Khamaiis 04 julay 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani Osoble Farsamadii :: Abdirahman...

{DAAWO MUUQAALKA} Burcad badeedda Soomaalida ay tiro ahaan iyo awood ahaanba ay sii kordhayaan

Khamiis july ,4 2024 (HMC) Burcad badeedda Soomaalida ay tiro ahaan iyo awood ahaanba ay sii kordhayaan HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA