Friday, July 5, 2024
spot_imgspot_img

Maxkamadda sare ee Mareykanka oo Trump Siisay Xasaanad uu Ka Xumaaday Madaxweyne Biden

Talaado 02 julay 2024 {HMC} – Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa soo saartay xakun xasaanad ballaaran siinaya madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump, taasoo ka dhigan in dib u dhac uu ku imaan doono maxkamadeynta Trump ee kiiska rabshadihi ay qaar ka mid ah taageerayaashiisa ku weerareen xarunta Coongareeska horraanti sannadki 2021-ki.

Dacwadda la xiriirta in Trump uu isku dayay inuu dhinac kale u rido doorashadi looga guuleystay ee sannadki 2020-ki, ayaa tan iyo sannadki hore ka socotay maxkamad ku taalla magaaladan Washington D.C, waxana loo ballansanaa in la qaado ka hor doorashada 5-ta Novemebr.

Xakunka Maxkamadda Sare ayaa waxaa aqbalay 6 garsoore, halka ay saddex kasoo horjeesatay. Waxa uu laalayaa go’aankii maxkamadda hoose ee lagu diiday sheegashadii Trump ee aheyd inuu leeyahay xasaanad madaxweyne oo ka hor istaageysa in hey’adaha federaalka Mareykanka ay dacwad ku soo oogaan isaga.

Maxkamadda Sare ayaa 9-ka garsoore eel eh awoodda ugu sarreysa ay 6 ka mid ah yihiin Jamhuuri, halka saddex-da kale ay dimoqraaddi yihiin.

Maxkamadda Sare ayaa go’aamisay inaanan Trump loo maxkamadeyn karin ficillada uu ku dhaqaaqay inti uu heystay awoodda dastuuriga ah ee madaxtinimo, balse lagu soo oogi karo danbiyada gaarka u ah.

Go’aankaan taarikhiga ah ayaa ka dhigan guul weyn oo siyaasadeed oo u soo hoyatay madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump.

Qoraal uu soo dhigay barta X ee horay loo dhihi jiray Twitter, ayuu Trump ku muujiyay dabaal-daggiisa go’aankan, isaga oo yiri “GUUL WEYN”.

Madaxeyne Joe Biden oo arrintan war kasoo saaray ayaa go’aanka maxkamadda sare ee Mareykanka ku tilmaamay mid tusaale khatar ah u jideynaya xakunnada Mareykanka.

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa horay u diidday dadaallo lagu doonayay in Trump laga mamnuuco codbixinta, sababo la xiriira ficilladiisii ka dib doorashadii 2020-ka.

Donald Trump, madaxweynihi hore ee Mareykanka ayaa hadda ah murashaxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimada Mareykanka ee Bisha November, wuxuu la baratami doonaa, madaxweynaha xilligaan Joe Biden, oo ah murashaxa xisbiga Dimoqraadiga.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {04.07.2024}

Khamaiis 04 julay 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani Osoble Farsamadii :: Abdirahman...

{DAAWO MUUQAALKA} Burcad badeedda Soomaalida ay tiro ahaan iyo awood ahaanba ay sii kordhayaan

Khamiis july ,4 2024 (HMC) Burcad badeedda Soomaalida ay tiro ahaan iyo awood ahaanba ay sii kordhayaan HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA