Friday, July 5, 2024
spot_imgspot_img

Maxaa ku qornaa Dhambaalka ay Dowladaha Qatar, Imaaraadka, Sacuudiga iyo dalal kale usoo direen Somalia?

Talaado 02 julay 2024 (HMC)  – Dowladdaha Qatar, Imaaraadka Carabta, Sacuudi Carabiya, Kuwait, Yemen iyo Cummaan ayaa dhambaal hambalyo ah soo gaarsiiyay shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa u dabaal-degaysa xuska munaasabadda 1-da Luulyo oo ku beegan sannad-guuradii 64-aad ee kasoo wareegtay markii gobollada Koonfureed ee dalka ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga, sidoo kalena ay la midoobeen gobollada Waqooyi.

Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa hambalyo ku aadan sanad-guurada xorriyadda dalka usoo diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo u rajeeyay dadka Soomaaliyeed nabad iyo barwaaqo.

Sidoo kale, dhambaal kasoo baxay Boqortooyada Bahrain ayaa lagu sheegy in Boqor Xamad Bin Ciisa Al Khaliifa uu la wadaagay madaxweyne Xasan hambalyada munaasabadda 1-da Luulyo ee xornimada gobollada Koonfreed iyo midnimada labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

Boqorka ayaa sidoo kale wuxuu u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed nabad, barwaaqo iyo xasillooni.

Suldaanka Cummaan, Suldaan Haitham bin Tariq oo isna kamid ah madaxda Carbeed ee maalmaha xoriyadda la qaybsanaya madaxda iyo shacabka Somaaliyeed ayaa dhambaal hambalyo ah usoo diray.

Sidoo kale, madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed bin Zayed iyo labadiisa ku-xigeen ee Maxamed bin Raashid iyo Sheekh Mansuur bin Zayed ayaa ugu hambalyeeyay umadda Soomaaliya munaasabadda kowada Luulyo iyo sannad guuradii 64-aad ee kasoo wareegtay markii Soomaalidu yeelatay dowlad madax bannaan.

Bayaan kasoo baxay dowladda Yemen oo lagu faafiyay wakaaladda Waraka dalkaas ayaa lagu yiri; “ Madaxa Golaha Sare isagoo ku hadlaya magaciisa, kan xubnaha Golaha, Xukuumadda iyo Shacbiga Yemen, waxa uu hambalyo kal iyo laab ah u diraya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna u rajeynaya shacabka Soomaaliya amni, xasilooni iyo barwaaqo”.

Amiirka dalka Kuwait, Sheekh Mishcal Al-Axmed ayaa sidoo kale usoo diray madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed fariin hambalyo ah, oo ku aaddan munaasabadda kowada Luulyo.

War-saxaafadeed kasoo baxay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu sheegay in Boqor Salmaan bin Cabdicasiis iyo Dhaxal-sugaha dalkaas Maxamed bin Salmaan ay dhambaal hambalyo ah usoo direen madaxweyne Xasan iyo shacabka Soomaaliyeed dhambaalka ayaa lagu muujiiyay in hoggaanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay la qaybsanayaan dadka Soomaaliyeed munaasabadda iyo dabaal degga maalinta kowda Luulyo.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {04.07.2024}

Khamaiis 04 julay 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani Osoble Farsamadii :: Abdirahman...

{DAAWO MUUQAALKA} Burcad badeedda Soomaalida ay tiro ahaan iyo awood ahaanba ay sii kordhayaan

Khamiis july ,4 2024 (HMC) Burcad badeedda Soomaalida ay tiro ahaan iyo awood ahaanba ay sii kordhayaan HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA