Friday, July 5, 2024
spot_imgspot_img

Maamulka Somaliland oo walaac ay qabto u gudbisay dowladda Turkiga

Talaado 02 julay 2024 {HMC}  Maamulka Somaliland ayaa ka walaacsan wadahadaladii magaalada Ankara ku dhax maray wafuud kala mataleysay dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaa oo kawada xaajoonayay khilaaf u dhaxeeya labada dal oo ka dhashay heshiiskii ay gaareen Muuse Biixi iyo Aby Axmed.

Inkastoo wadahadalada labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay fashil kusoo dhammaadeen loona ballamay kulamo kale , maamulka Somalilands ayaana u arka wadahadaladaasi oo Turkiga marti galiyay mid iyada danaheeda wax u dhimaya walaacna ku abuuraya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee maamulka Somaliland mudane Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa xafiiskiisa Hargeysa kula kulmay Qunsulka Guud ee Türkiga u fadhiya Somaliland Mr. Levent Çeri.

Wasiirka ayaa Mr. Levent Çeri waxa uu la wadaagay walaaca uu maamulka Somaliland ka qabo arrimo dhoor ah ay kamid yihiin wadahadallada Turkiga ka furmay, kuwaa uu sheegay in ay saamayn karaan waxa socda xiriirka Somaliland iyo Turkiga.

Qunsulka Türkiga u fadhiya Somaliland Mr. Levent Çeri, ayaa u sheegay wasiirka Arrimaha Dibadda maamulka Somaliland in uu la wadaagi doono walaaciisa saraakiisha ka sarreysa, waxa uuna xusay in dowladda Turkiga aysan ka shaqeeneyn wax dhibaato ah.

Walaaca Somaliland ka qabto wahadaladlka Turkiga u furtay dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ah in ay cabsi ka qabaan in Itoobiya ka baxdo heshiiskii ay horey maamulkaasi ula gashay, ayna heshiisyo kale la gashao dowladda Federaalka .

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {04.07.2024}

Khamaiis 04 julay 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani Osoble Farsamadii :: Abdirahman...

{DAAWO MUUQAALKA} Burcad badeedda Soomaalida ay tiro ahaan iyo awood ahaanba ay sii kordhayaan

Khamiis july ,4 2024 (HMC) Burcad badeedda Soomaalida ay tiro ahaan iyo awood ahaanba ay sii kordhayaan HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA