Thursday, July 4, 2024
spot_imgspot_img

wararkii ugu dambeeyay wadahadallada Turkiga u furmaya Somalia iyo Itoobiya.

Isniin 01 julay 2024 (HMC) Wargeyska Middle East Eye, oo ka warramaya wada-hadallada Turkiga uu garwadeenka ka yahay ee la filayo inay Ankara ku yeeshaan Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa soo bandhigay inay Soomaaliya u soo bandhigo karto Itoobiya helitaanka deked, si ay Addis Ababa uga baxdo heshiiska Somaliland.

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay in hindisaha wada-hadalka uu ka dhashay, markii uu Ankara u diray Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, madaxweynihii hore ee Itoobiya Mulatu Teshome Wirtu si uu ula kulmo Madaxweyne Erdogan bishii May, isagoo markaa u soo bandhigaya in la billaabo dhexdhexaadin Soomaaliya iyo Itoobiya ah, si xal loogu helo xiisadda labada dal

Erdogan ayaa xiligaas faray hay’adaha Turkiga ee ay khusayso arrintan inay daraasad ku sameeyaan, taasoo ay xigtay inuu Wasiirka Arrimaha dibadda, Hakan Fidan kula kulmo Ankara Madaxweynaha Soomaaliya inta lagu jiray munaasabadda Ciiddul-Adxa, si loo fududeeyo wada-hadallada saddex-geesoodka ah.

Wargeyska oo ilo-wareedyo xiganaya, waxaa kaloo uu sheegay in haddii horumar laga gaaro wada-hadallada ay billaabayaan wasiirrada arrimaha dibadda labada dal, inay booqan karaan Ankara Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, balse haddii ay dhacdo inay wada-hadallada burburaan, warbixinta waxay sheegtay; “Waxa laga yaabaa inay wiiqdo sharafta Turkiga ee gobolka waxayna dhaawacaysaa xiriirka adag ee Ankara iyo Itoobiya”

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {04.07.2024}

Khamaiis 04 julay 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani Osoble Farsamadii :: Abdirahman...

{DAAWO MUUQAALKA} Burcad badeedda Soomaalida ay tiro ahaan iyo awood ahaanba ay sii kordhayaan

Khamiis july ,4 2024 (HMC) Burcad badeedda Soomaalida ay tiro ahaan iyo awood ahaanba ay sii kordhayaan HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA