Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maxaa Ku Qorna Warqada aay Daadiyeen Diyaaradaha Ciidaanka Xooga Soomaaliya?

Isniin july ,1 2024 (HMC)  Labo diyaaradood oo nuuca qumaatiga u kaca ayna leeyihiin ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, ayaa maanta warqado waxa ay ku daadiyeen qeybo kamid ah magaalada Muqdisho oo dabaaldegyo ka socdaan.

Diyaaradahan ayaana daadinayay warqado ay ku qornaayeen farriimo xambaarsan dabaaldega munaasabadda kowda Luulyo oo maanta si weyn looga dabaaldegayo magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka.

Dadka reer Muqdisho ayaana arkayay diyaaradaha oo joog hoose ku duulaya warqadana soo daadinaya, waxa ayna dadka ku yaacayeen warqdaha diyaaradaha soo daadinayeen , si ay u aqriyaan farriimaha ku qornaa.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa helay diyaarado nuuca qumaatiga u kaca, kuwaa oo loogu tala galay in ciidamada ka taageeraan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab .

WARARKA