Thursday, July 4, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweyne qoor qoor oo la kulmay odayaasha dhaqanka ee beelihii dhawaan dagaalamay.

Isniin 01 julay 2024 (HMC) Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye(Qoor-Qoor) ayaa maanta la kulmay odayaasha iyo waxgaradka labada beel ee kasoo kala jeeda Xeraale iyo Cabudwaaq ee dhawaan dagaalamay.

Qoor-Qoor ayaa labada dhinac ku bogaadiyay heshiiska horudhaca ah ee ay gaareen, isaggoo kula dardaarmay in si buuxda loo dhammeystiro qaybaha haray heshiiska.

Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa kulanka xubno ka tirsan baarlamaanka dowladda federaalka, mudanayaal ka tirsan goloyaasha dowlad-goboleedka Galmudug iyo odayaashada labada beel iyo culimaddii garwadeenka ka aheyd heshiiska.

Kulankan ayaa qeyb ka ah bilowga shirka dib u heshiisiin ah oo ay Galmudug u qabaneyso beelaha diriray, si xal kama dambeys ah looga gaaro colaadda.

Qoor-Qoor ayaa dhawaan shaaciyay in la hayo xogta dadkii ka dambeeyay hurinta dagaalka, isaggoo caddeeyay in uusan iska dhicin dagaalka labada beelood ee uu ahaa mid ay ka dambeeyeen siyaasiyiin ka dhex raadinayay dano siyaasadeed, islamarkaana ay hay’addaha ammaanka hayaan caddeymaha dadkii ka shaqeeyay arrinkaasi, lana soo bandhigi doono.

Waxa uu markaas sheegay in waqtiga ku habboon lasoo bandhigi doono dadka uu sheegay inay ka dambeeyeen hurinta colaadda ay ku baxeen dadka badan.

Si kastaba, Dagaal beeleedka gobolka Galgaduud ayaa noqday midkii ugu khasaaraha badanaa, waxaana hal maalin ay beelahaan ay iska dileen in ka badan illaa 50 qof, halka ay iska dhaawaceen ku dhowaad 100 kale, kadib dagaallo ka dhacay waqooyiga Galgaduud.

Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa muddo dheer ka taagan colaad beeleedyo saameyn ku yeeshay nolosha shacabka, waxaana usii dheer dilal ay isku gaysanayaan beelaha.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {04.07.2024}

Khamaiis 04 julay 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani Osoble Farsamadii :: Abdirahman...

{DAAWO MUUQAALKA} Burcad badeedda Soomaalida ay tiro ahaan iyo awood ahaanba ay sii kordhayaan

Khamiis july ,4 2024 (HMC) Burcad badeedda Soomaalida ay tiro ahaan iyo awood ahaanba ay sii kordhayaan HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA