Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA}MD Xasan Sheekh oo maanta Ubax dhigay Taallada Daljirka Dahsoon

Isniin july ,1 2024 (HMC)  Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xuska munaasabadda 1-da Luulyo owygeed maanta ubax xasuus ah dhigay taallada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaana taallada Daljirka Dahsoon sallaan sharaf kaga qaatay cutubyo kala gedisan oo tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, kuwaa oo diyaar ku ahaa taallada Daljirka .

Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sidoo kale taallada Daljirka Dahsoon iyo qeybo kale oo kamid ah magaalada kusoo bandhigay dhoolotus cajiib oo ay aad ugu riyaaqeen madaxdii iyo dadkii kale ee daawanayay.

Munaasabadda kowda Luulyo oo ah maalintii ay xuroobeen gobolada Koonfuur ee Soomaaliya , sidoo kale ay midoobeen gobolada waqooyi iyo koonfur ayaa si weyn loo xusaa sanand kasta marka la gaaro maanta oo kale.

WARARKA