Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

CXD Soomaaliya oo Dhoolotus cajiib ah maanta sameeyay

Isniin july ,1 2024 (HMC)  Ciidanka kala duwan ee qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta dhoolotus cajiib ah oo si weyna loogu riyaaqay kusoo bandhigay taaladda Daljirka Dahsoon, halkaas oo ay ku sugnaayeen madaxda dalka qaarkood iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ciidanka dowladda ayaa iyaga oo koox koox u socda socod kusoo maray taaladda Daljirka Dahsoon, waxa ayna ciidanka halkaasi ku marayeen socod dheer , iyaga oo sidoo kale sameenayay dhoolotusyo.

Madaxda Qaranka ee ku sugneyd taallada Daljirka Dahsoon iyo bulshada kale ayaana u sacaba tumayay ciidanka halkaasi socodka ku marayay, sidoo kale kusoo bandhigayay awoodooda iyo tababarkooda.

Ciidamada qalabka sida ayaa sidoo kale halkaasi kusoo badhigay qaar kamid ah gaadiidkooda dagaalka iyo sidoo kale diyaarado helicoptero ah oo ay leeyihiin ciidanka xoogag dalka Soomaaliya.

WARARKA