Tuesday, July 2, 2024
spot_imgspot_img

Weeraray Lagu Qaaday Safaaradda Israa’iil ee Dalka Serbia

Axad 30 June 2024 {HMC} Saraakiisha Dowladda Serbiya ayaa sheegay in la dilay nin gammuun ama leeb ku weeraray askar ilaalineysay safaaradda ay Isra’il ku leedahay magaalada Belgrade ee caasimadda Serbia.

Wasiirka arrimaha gudaha Ivica Dacic oo weerarka ka hadlay ayaa sheegay in ninka leebka ku weeraray safaaradda uu dhaawac halis ah gaarsiiyay askari ka mid ah booliska ilaalinayay safaaradda.

Wuxuu kaloo sheegay in askari uu leebka ka haleelay qoorta, balse isna uu dilay ninka weerarka ka danbeeyay. Wuxuu dhacdadaasi ku tilmaamay weerar argagixiso oo ka dhan ah Serbia.

Wakaaladda wararka Serbia ee Tanjug ayaa ku warrantay in aysan jirin wax khasaaraha ah oo soo gaaray shaqaalaha iyo diblamaasiyiinta safaaradda Isra’il ee Belgrade.

Wasaaradda arrimaha dibadda Isra’il ayaa xaqiijisay dhacdadaaasi kuna tilmaantay weerar argagixiso.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {02.07.2024}

Talaado 02 julay 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani...

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan

Talado july ,2 2024 (HMC)  Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA