Tuesday, July 2, 2024
spot_imgspot_img

Qarax khasaaro geestay oo maanta ka dhacay Muqdisho

Axad 30 June 2024 {HMC} Qarax nuuca miinada hareeraha waddooyinka lagu aaso ayaa maanta ka dhacay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, waxaana qaraxan lala eegtay gaari ay wateen ciidamo katirsan booliisa milataare.

Guddoomiyaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir Cabdillaahi Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa miino uu ka dhacay waddo kutaalla waaxda koobaad degmada Kaxda.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in qaraxa oo lala eegtay gaari ay wateen ciidamada ammaanka ay ku dhaawacmeen labo askari, kuwaa uu sheegay in loo qaaday xarumaha caafimaadka oo lagula tacaalayo xaaladooda.

Degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ku badan qaraxyada nuuca miinada hareeha waddooyinka la dhigo,qaraxyadan ayaana inta badan lala eegtaa baabuurta ay wataan ciidamada ammaanka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {02.07.2024}

Talaado 02 julay 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani...

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan

Talado july ,2 2024 (HMC)  Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA