Tuesday, July 2, 2024
spot_imgspot_img

Pezeshkian iyo Jalili oo isugu soo haray doorashada Iran

Axad 30 June 2024 {HMC}  Natiijadi kasoo baxday doorashadi madaxtinimada ee Jimcihi ka dhacday dalka Iran ayaa muujisay inuusan murashaxna helin codad ku filan si uu u noqdo madaxweyne. Taasi ayaa ka dhigan in labada musharrax ee ugu sarreysa ay ku loollami doonaan doorasho ku celis ah oo dalkaasi ka qabsoomi doonto 5-ta bisha Luulyo.

Wareegga labaad ee doorashadan ayaa waxaa isugu soo baxay Massoud Pezeshkian oo ah xildhibaan qunyar socod ah iyo Saciid Jalili oo ah murashax heysta taageerada hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in midkoodna uusan helin boqolkiiba 50 oo lagu daray hal cod, kaddib marki la tiray codadki ay dhiibteen ilaa 25 milyan oo cod-bixiye. Hase yeeshee Pezeshkian ayaa codad dhan ku dhawaad nus milyan ka horreeya Jalili.

Labadani nin ayaa midki guuleystaa baddali doona, madaxweynihi hore Ebrahim Raisi oo dhawaan ku dhintay shil hellikobtar. Jagada madaxweynaha Iran ayaa ka dhigan awoodda fulinta, maadaama awoodda iyo go’aannada kama danbeysta ah ee qaranka uu leeyahay hogaamiyaha ruuxiga ah Ayatollah Ali Khamenei.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {02.07.2024}

Talaado 02 julay 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani...

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan

Talado july ,2 2024 (HMC)  Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA