Tuesday, July 2, 2024
spot_imgspot_img

Muritaniya: Madaxweyne Gazwani oo lagu wado inuu ku guuleysto doorashadi ka dhacday Muritaniya

Axad 30 June 2024 {HMC}  Shacabka waddanka Muritania ayaa maanta dhaworaya, natijada doorashadi madaxtinimo ee dalkaasi ka dhacday Sabtidi shalay.

Madaxweynaha Maxamad Walad Gazwani ayaa lagu wadaa inuu ku guuleysto doorashadan oo aheyd mid aad loogu tartamay isla markaana ay ka loollameen murashaxiin dhowr ah.

Gazwani ayaa ololaha ku galay inuu sare u qaadi doono maalgashiga dalkaasi dhaca Galbeedka Africa, xilli uu waddanka isu diyaarinayo inuu billaabo wax soo saarka gaaska dabiiciga ah.

Sanaadiiqda codadka oo la furay saakay todobadi ayaa lasoo xiray caawa todobadi fiidnimo. Natiijada doorashadan ayaa lagu wadaa in la ogaado Axadda berrito ah.

Madaxwene Maxamad Walad Gazwani oo marki ugu horreysay jagadan loo doortay sannadki 2019-ki, ayaa wajahaya lix murashax oo uu ku jiro Bayram Tah Cubeyd, oo kaalinta labaad kasoo galay doorashadi tan ka horreysay.

Murashaxiinta kale ayaa waxaa ka mid ah Id Mohameden M’Bareck oo ah qareen, dhaqaalo-yahanka caanka ah Mohamed Lemine El Mourtaji El Wafi, iyo Hamadi Sidi El Mokhtar oo ka socda xisibiga Tewassoul.

Muritaniya oo ah dal gani ku ah shidaalka iyo macdanta ayaa waxa ku nool 5 milyan oo ruux, waxana uu ka mid yahay dalalka ugu saboolsan Galbeedka Africa.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {02.07.2024}

Talaado 02 julay 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani...

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan

Talado july ,2 2024 (HMC)  Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA