Tuesday, July 2, 2024
spot_imgspot_img

Faah Faahino laga helayo Qarax ismiidamin ah oo ka dhacay Baladweyne.

Axad 30 June 2024 {HMC} Faah Faahino Dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax Ismiidaamin ah oo Galabta ka Dhacay Magaalada Baladweyne,

Qaraxaan ayaa lala Beegsaday Fariisin ay Ciidamada Dowlada Soomaaliya ku sugnaayeen oo ku Yaallo Xaafada Hoowl Wadaag

Inta la Xaqiijiyey Qaraxaan waxaa ku dhintay Shan Qofood oo iskugu Jiro Askar iyo Shacab ka agdhawaa Goobta, Ku dhawaad 10 Qof oo kalane waa ay ku Dhaawacmeen,

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa war Qoraal ah kasoo Saaray Qaraxaan inkasto uusan Faah Faahinin Tirada Rasmiga ah ee Qaraxaan wax yeelada ay Kasoo Gaartay,

Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Hiiraan Xasan Ibraahim Cabdulle oo Soo saaray Qoraal ayaa u qornaa Sidatan,

“Allaha unaxariisto dhamaan Dadkii Nooga Dhintay Qaraxa arxan darada aha Ee Galabta ka dhacay Magalada Beledwein inta dhawacantayna Allah ha Bogsiiyo,

Abaal uma ergana kooxda argagexisada AS, ehelna lama aha Soomaali,

Waa inaan Diinteena, Dalkeena iyo Dadkeenaba ka badbaadinaa cadowgaan wax uu reebaayo aan
la,arag.

Waana hubaa in laga adkaan doono Idim Alle”

 

Dhinaca kalane Majirto wax war ah oo kasoo Baxay Saraakiisha Dowlada Soomaaliya oo ay kaga hadlayaan Qaraxa Maanta ka Dhacay Magaaladda Baladweyne,

 

Saldhiga Maanta Qaraxa laga Beegsaday ayaa Saacado kohor waxaa iskaga Baxay Ciidamada Nabad ilaalinta Midoga Afrika ee ATMS Gaar ahaan kuwa ka Socda Dowlada Jabuuti waxaana la wareegay Ciidamo ay Dhawaan Dowladda Soomaaliya keentay Magaalada Baladweyne,

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {02.07.2024}

Talaado 02 julay 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani...

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan

Talado july ,2 2024 (HMC)  Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA