Tuesday, July 2, 2024
spot_imgspot_img

MD Xasan oo Ka Qeeybgalay Munaasabad lagu xusayay Madaxweeyni Hore Aadan Cadde

Axad 30 June 2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay  Madaxweynihii Koowaad ee Soomaaliya Alle ha u naxariistee mudane Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde)

Madaxweynaha oo Aadan Cadde ku tilmaamay aasaasihii dowladnimada Soomaaliya iyo hoggaamiyihii dimuqraadiyadda Qaaradda Afrika ayaa sheegay in dowladdu ay hirgalin doonto Maktabad lagu kaydiyo taariikhda iyo wax qabadkii Madaxweyne Aadan Cadde oo ahaa Madaxweynihii ugu horreeyay Afrika ee si nabad ah oo dimuquraadi ah xukunka ku wareejiyay.

Xassan Shiikh ayaa faray Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo kulanka joogay inuu soo diyaariyo dhulkii laga dhisi lahaa Maktabadda Aadan cadde

“Aadan Cabdulle wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay Afrika ee doorasho ku yimid, doorashana xafiiska uga tegay, 1960-kii wuxuu ahaa sanadkii Afrika, Aadan Cadde wuxuu ahaa madaxdii taariikhda dhigtay, wax badan ayey nooga tageen Aabayaasheen oo Aadan Cadde ugu horeeyo, wax waa naga lumeen waxna weli waan heysanaa, diinta, dhaqanka, afka, taariikhda iyo waxyaabo kale oo muhiim ah ayaan weli heysanaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {02.07.2024}

Talaado 02 julay 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani...

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan

Talado july ,2 2024 (HMC)  Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA