Tuesday, July 2, 2024
spot_imgspot_img

Maxaa Ka Jiro in Dayuuradaha Israel aay buuxiyeen hawada Lubnaan iyo xiisada oo sare u sii kaceysa?

Axad 30 June 2024 {HMC}  Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa caawa buuxiyay hawada caasimadda Beirut ee dalka Lubnaan, sidoo kale waxay ku duuleen waqooyiga Lubnaan, illaa galbeedka Suuriya, iyadoo qaarkood ay soo baxayaan inay gudaha u galeen bariga dalka Ciraaq.

Ma jiraan wax duqeymo ah oo la soo sheegay illaa hadda inay diyaaradaha geysteen.

Galitaanka diyaaradaha dagaalka Israa’iil ee hawada dalalka Lubnaan, Suuriya iyo Ciraaq, ayaa loo qaadanaya tallaabo ay Israa’iil sare ugu qaadayso xiisadda, xilli ay horey u xaqiijiyeen inay ansixiyeen dagaal toos ah oo ay la galaan Xisbullah.

Waxaa kaloo ay tani ku soo aadaysa xilli la sheegay inuu Mareykanka ka codsaday Ciraaq inay hawadeeda ka xirato diyaaradaha xamuulka ee Iran oo saacadihii u dambeeyay la sheegay inay saanad iyo injineero u daabuleen gudaha Lubnaan si ay gacan u siiyaan Xisbullah.

Sacuudiga ayaa ugu baaqay muwaadiniintiisa inay si deg deg ah uga baxaan dhulka Lubnaan oo ay ka fogaadaan inay ku soo dhawaadaan meelaha ay ka dhacayaan iska horimaadyada hubeysan.

Safaaradda Sacuudiga ee Lubnaan ayaa sidaas ku sheegtay War saxaafadeed ay ku baahisay baraha bulshada, iyadoo tan ay ku soo aadayso xilli inta badan dalalka reer galbeedka ay billaabeen inay muwaadiniintooda ugu baaqaan si deg deg ah inay uga baxaan Lubnaan, sababo la xiriira walaaca ay ka qabaan inuu dagaal toos ah dhexmaro Israa’iil iyo Xisbullah Lubnaan, markaa oo ay suragal tahay in la xiro hawada.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {02.07.2024}

Talaado 02 julay 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani...

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan

Talado july ,2 2024 (HMC)  Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA