Tuesday, July 2, 2024
spot_imgspot_img

Itoobiya iyo Soomaaliya oo wada hadal rasmi ah uu uga furmayo magaalada Ankara

Axad 30 June 2024 {HMC}  Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo wafdiga la socda ayaa maanta u ambabaxay Turkiga, halkaasoo ay uga qeyb galayaan wada hadallo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay gar wadeen ka tahay dowladda Turkiga.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay, in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay mabaadi’deeda ilaalinta madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.

Turkiga ayaa Soomaaliya u sheegay inuu diyaar u yahay inuu xalliyo khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dhawaan, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa kulamo la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in aysan wax wada hadal ah la gali doonin Ethiopia, illaa iyo inta Itoobiya ay ka laabanayso heshiiska arrimaha badda oo ay kula jirto maamulka Somaliland

Dowladda Soomaaliya ayaa u qabatay bishaan June ee maanta ku eg, inay Itoobiya uga laabato heshiiska badda, haddii kale waxay dowladdu sheegtay in ciidamadeeda ay si degdeg ah dalka uga bixidoonaan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {02.07.2024}

Talaado 02 julay 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani...

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan

Talado july ,2 2024 (HMC)  Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA