Tuesday, July 2, 2024
spot_imgspot_img

Faahfaahinta Kulanka Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku yeelanayaan Ankara

Axad 30 June 2024 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in wafdi ku matalaya wadahadallo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka dhacaya dalka Turkiga ay maanta haalkaas u direen.

Kulankan oo ka dhacay magaalada Ankara ayaa waxaa gar-wadeen ka ah dowladda Turkiga oo la sheegay inay labada dhinacba u dhow dahay.

Wadigan ayaa waxaa hoggaaminaya wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, kaas oo ka qeyb-galayo wadahadallo berri ka furmaya magaalada Ankara.

Wadahalka ayaa waxaa diiradda lagu saaraya xal u raadinta khilaafka ka dhashay heshiiskii is afgaradka ee ay Itoobiya la gashay Jamhuuriyadda Iskeed ugu-dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland.

Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Twitter-ka ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Turkiga uu dhexdhexaadinayo wada-hadaladan, balse laguma sheegin wax ajenda ah oo intaa dhaaf-siisan.

Inkastoo ilo wareedyo ayaa sheegeen in kulanka uu hal maalin socon doono uuna bilaabanayo Isniinta 1 Luulyo oo ay taariikhdu ku beegan tahay 1-da bisha Luuliyo.

Qoraalka kooban ee lagu daabacay bogga X oo horay loo oran jiray Twitter ayaa waxa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay marnaba gor-gorton ka galayn mabaadi’deeda adag ee ilaalinta midnimada dhuleed”.

Waxaa dhinaca Soomaaliya u matalaya wafdi uu horkacayo wasiirka arrimaha dibedda Axmed Macallin Fiqi, halka Itoobiya uu wakiil u yahay wasiirka arrimaha dibedda Taye Atske Selassiem kaas oo shalay gaaray Ankara.

“Kulanka oo ah mid hal maalin soconaya ayaa waxaa labada dhinac ku kala matalaya Wasiiradooda arrimaha dibadda ayaa waxaa aan fahamsanahay in Itoobiya ay codsatay kulanka, waxaana fududeynaya dowladda Turkiga oo labada dhinac isku keeneysa, mowqifka Soomaaliya ayadoo qoraal ahna wey gudbiyeen marar badanna wey sheegeen in arrinta qaranimada aysan marnaba gorgorton ka galeyn iyo midnimada dhulka Soomaaliyeed, balse wixii kale oo wadahadal ah oo wada ganacsi ah ama wada shaqeyn ah ay diyaar u yihiin,” ayuu yiri Maxamed Mukhtar oo ka faallooda arrimaha geeska horayna u soo noqday wasiirka batroolka Soomaaliya.

“Marka la eego Turkiga isaga laftirkiisa waa dal ay ku nool yihiin dad Kurdiyiin ah oo doonaya inay go’aan, marka dowladda Turkiga mabdi’iyanba ma aaminsana in dal qeyb ka mid ah la gooyo sababtoo ah iyaga laftooda maanta ma jecla inay Kurdiga ka go’aan marka dhankaas marka ay timaaddo dowladda Turkiga waxay la mowqif tahay dowladda Soomaaliya” ayuu sii raacieyy Maxamed Mukhtaar.

Wuxuu sidoo kale sheegay in hadda Turkiga uu doonayo in diiradda shirkan lagu saaro sidii looga laaban lahaa heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya la gashay Soomaaliya iyo sidii xiriirkooda looga dhigi lahaa mid shaqeeya. “Itoobiyaanka waxa ay la imaan doonaan oo miiska ay saari doonaan lama oga sababtoo ah Abiy Axmed waxaa lagu bartay inuu yahay qof aan la qiyaasi karin waxa uu rabo iyo waxa uu sameynayo balse barrito marka ay imaadaan waxa ay miiska soo saaran iyo waxa ay la yimaadaan ayaan arki doonnaa haddii Alle yiraahdo,” ayuu sidoo kale yiri Maxamed Mukhtar.

Maxaa ka soo bixi kara kulanka Itoobiya iyo Soomaaliya ee Turkiga?
“Haddii Itoobiya ay miiska soo saaraan inay arrintan ka laabanayaan markaas waa suurogal wax kasta oo wadahal ah, ama ha noqoto maalgashi ama Turkida, Soomaalida iyo Itoobiyaanka oo ka wada hadla dekadaha Soomaaliya sidii looga wada faa’iideysan lahaa halaga wada hadlo, sida loo wada maal-gashan lahaa halaga wada hadlo marka waxyaabo badan ayaa suurogal ah, balse haddii barrito ay miiska soo saaraan arrintaas gorgorton malahan ma filaayo markaas inay jiraan wax laga sii wadi hadli karaba marka waxay ku xiran tahay waxa ay miiska soo saaraan,” ayuu  sheegay Maxamed Mukhtar.

Dawladda Soomaaliya waxay ku sheegtay qoraalka kooban ewe wasaaradda Arrimaha dibadda ay soo dhigtay barta X in ay “ka go’an tahay inay si adag ugu taagnaato mabaadii’deeda ay ku ilaalinayso madax banaanideeda dhuleed”.

Mas’uuliyiin kala duwan oo dawladda Soomaaliya ka tirsan oo Xiraara Kala Duwan Lala Sameeyay , hase yeeshee qaarna way ka gaabsadeen, qaarna kama aysan hadlin arrimaha kulankan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {02.07.2024}

Talaado 02 julay 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani...

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan

Talado july ,2 2024 (HMC)  Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA