Tuesday, July 2, 2024
spot_imgspot_img

Doorashada Dalka Faransiiska Maanta ka Dhaceysa Dalkaasi

Axad 30 June 2024 {HMC}  Dalka Faransiiska waxaa maanta oo Axad ah ka dhaceysa doorasho baarlamaani ah oo waqtigeeda laga soo hormariyay.

Wajiga koowaad ee doorashadaan ayaa laga yaabaa in ay kasoo baxdo natiijo la yaab leh, haddii ay codadka ugu badan helaan xisbiyada midigta fog.

Haddii axzaabta midigta ay doorashada maanta dhaceysa ku guuleystaan, ayaa waxay taasi ka dhigi doontaa in marki ugu horreysay tan iyo dagaalki labaad ee Dundia ay Faransiiska ka dhalato dowlad leh afkaaraha midigta fog ee xag-jirka.

Natiijada doorashadan iyo wajiga labaad oo isna dhacaya 7-ba bisha July ayaa lagu wadaa in ay jiho kale u baddasho siyaasadda Faransiiska. Madaxweyne Macron ayaa wacad ku maray inuu guul ka keeni doono doorashada.

Madaxweyne Macron oo ka niyad jabay natiijadi uu xisbigiisa ka keenay doorashadi baalamaaniga ee Midowga Yurub, ayaa horraantii bishaan ku dhawaaqay doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay.

Dadka ka faallooda siyaasadda ayaa go’aankaasi ku tilmaamay qar-iska-tuurnimo siyaasadeed oo uu Macron ku dhaqaaqay, isaga oo raja ka qaba in uu libin kasoo hooyo doorashadan, balse waxaa aad loo saadaalinayaa in uu ku guul-dareysan doono.

Taasi waxay ka dhignaan doontaa, in muddo xileedkiisa oo ay uga harsantahay saddex sano oo kale uu soo gaba gaboobi doono, haddii laga guuleysto.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {02.07.2024}

Talaado 02 julay 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani...

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan

Talado july ,2 2024 (HMC)  Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA