Tuesday, July 2, 2024
spot_imgspot_img

Barlamaanka Soomaaliya oo dib u bilaabaya kulamadiisa kaddib fasax dheer oo uu muddo ku maqnaa

Axad 30 June 2024 {HMC} War wada jira oo ay soo saareen labada guddoon ee labada aqal ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay dib u furmi doonaan kulamada xildhibaannada kaddib fasax ay in muddo. Ah ku maqnaayeen.

Guddoonka ayaa go’aamiyay in kalfadhiga 5-aad uu ku furmo kulan wadajir ah oo xildhibaannada labada aqal yeelan doonaan, kaas oo dhici doona Sabtida soo aadan, taariikhduna ku beegan tahay 6/07/2024.

In kastoo ajandayaasha kalfadhigan aan la shaacin haddana waxa ugu muhiimsanaan doona doodda dhamaystirka dastuurka kmg ah oo afartiisa cutud ee ugu horreeya, inta dib u eegis lagu sameeyay la ansixiyay. Waxana la guda galayaa cutubyada kale ee haray.

Sidoo kale waxa golaha horyaala dib u eegista iyo dhameystirka shuruucda iyo habraacyada doorashooyinka qaranka ee la filayo inay dhacaan sanadka 2026.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo furitaanka kalfadhiga, isagoo diiradda saari doona xaaladdihii ugu dambeeyay ee wadanka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {02.07.2024}

Talaado 02 julay 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani...

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan

Talado july ,2 2024 (HMC)  Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA