Tuesday, July 2, 2024
spot_imgspot_img

AFRICOM oo shaacisay Sabab ay kooxda Al Shabaab kula wareegi karto talada Soomaaliya

Axad 30 June 2024 {HMC} Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in kooxda Al Shabaab fursad ka heli kartio ka bixitaanka Soomaaliya ciidanka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, oo la filayo in ciidanka qalabka sida ku wareejiyaan ammaanka guud ee dalka.

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee AFRICOM General Michael Langley, ayaa walaac xooggan ka muujiyay ka bixitaanka xilligan ee Soomaaliya ciidanka nabad ilaalinta u jooga, waxa uuna sheegay in Al Shabaab wali jirto khatarteeda.

Waxa uu sheegay General Michael Langley in kooxda Al Shabaab isku dayi karaan in ay la wareegaan talada Soomaaliya , haddii ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ka baxaan Soomaaliya.

“Saameyn way ayay ku yeelan kartaa bixitaanka ciidamaa Midowga Africa amniga gudaha Soomaaliya, waxaaana Al-Shabaab weeraro ka fulin kartaa Muqdisho iyo meelo kale, balse waxaan ku rajo waynahay in dowladda Soomaaliya ay fahansan tahay khatarta amaan doonto xiliga kala-guurka lagu jiro,” ayuu yiri taliyaha ciidanka Mareykanka ee Afrika.

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee AFRICOM General Michael Langley, ayaa sheegay in Soomaaliya hadda ku jirto marxaladii Afganistan oo kale , oo markii ciidamada nabad ilaalinta u joogay ka baxeen la wareegeen kooxda Taalibaan.

Jeneraalka ayaa sidoo kale sheegay in kooxda Al Shabaab laga adkaan karo haddii shacabka Soomaaliyeed ay taageeraan ciidankooda iyo dowladda, waxa uuna xusay in Al Shabaab hadda lumiyeen kalsoonidda shacabka Soomaaliyeed.

Hadalkan kasoo yeeray Mareykanka ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Soomaaliya dalbaneyso in ciidanka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya dalka ka baxaan laguna wareejiyo amniga ciidanka qalabka sida.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {02.07.2024}

Talaado 02 julay 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani...

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan

Talado july ,2 2024 (HMC)  Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA