Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

RW Xamse Barre oo magacaabay Guddi Qaban Qaabada Aaska Qaran ee PROF Jawaari.

Sabti 29 June 2024 {HMC} Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Guddiga Aaska Qaran ee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), oo shalay ku geeriyooday Muqdisho.

Guddigan ayaa ka shaqeenaya sidii aas qaran loogu sameyn lahaa guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo shalay ku geeriyooday Muqdisho, waxa ayna xubnahan guddigan shaacin doonaan goobta lagu aasayo iyo waqiga la aasayo marxuum Jawaari.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban 12 Xubnood ayaa waxa ay kala yihiin:

1. Wasiirka Beeraha iyo Waraabka; Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. โ€“ Guddoomiye

2. Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag โ€“ Xubin

3. Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelaay โ€“ Xubin

4. Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Shiikh Cabdiraxmaan Beene Beene โ€“ Xubin

5. Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha, Mudane Maxamed Barre Maxamuud โ€“ Xubin

6. Wasiiru Dowlaha Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaaniโ€“ Xubin.

7. Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Yusuf Al caddaala โ€“ Xubin.

8. Taliyaha Ciidanka Booliiska โ€“ General Sulub Axmed Firin โ€“ Xubin.

9. Taliyaha Ciidanka Asluubta โ€“ General Mahad Cabdiraxmaan Aadan โ€“ Xubin.

10. Habdhowraha Golaha Shacabka, Mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux โ€“ Xubin.

11. Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) โ€“ Xubin.

12. Guddoomiyaha Heyโ€™adda Maareeynta Masiibooyinka Qaranka (SodMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle โ€“ Xubin.

WARARKA