Tuesday, July 2, 2024
spot_imgspot_img

Qaar ka Mid Ah Wadama Musliinta oo la amray in lasoo gaabiyo khudbada Salaada Jimcaha

Sabti 29 June 2024 {HMC}  Heerkulka qaar kamid ah waddamada Carabta ayaa sare u kacay, waxaana dalalkaasi ka jira kuleel daran oo ka dhashay isbadalka cimilada, iyadoona dhibaatooyin badan ka dhasheen kuleelka xad-dhaafka ah ee ka jira dalalka Carabta qaarkood.

Dalalka Imaaraadka Carabta , Sacuudiga Ciraaq iyo dalal kale oo carbeed ayaa lasoo saaray ammaro ku socda imaamyada masaajida, waxaana la faray in khudbada salaada Jimcaha lasoo gaabiyo inta uu kuleelka jiro.

Maamulka guud ee arrimaha islaamka ee dalka Imaaraadka ayaa qoraal uu soo saaray ku amray iimaamyada in ay khudbadooda ku soo gaabiyaan 10 daqiiqo, muddada u dhaxaysa bilaha Juun ilaa iyo Oktoobar, markaas oo heerkulku uu yaraan doono sida hadda yahay.

Boqorka Sacuudiga ayaa sidoo kale amray Imaamyada masaajida kuyaalla Sacuudiga ay ku jiraan labada Masjid ee barakeysan in ay soo gaabiyaan khudbada salaada Jimcaha, laguna soo koobo muddo 15-daqiiqo ah.

Dhinaca kale wadaadka Shiicada ee dalka Ciraaq caanka ka ah Muqtada al-Sadr ayaa isna imaamyada dalkaasi ugu baaqay in ay soo gaabiyaan khudbada Jimcaha inta lagu jiro xilli kuleylaha , si aysan dadka dukanaya u dhibtoon.

Kuleelka daran ee sannadkan ka jira waddamada Carabta iyo dalal kale ayaa sababay geerida dad badan, waxa ay sidoo kale kuleelka saameyn ku yeeshay nolosha dad kale oo u badan kuwa dan yar ah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {02.07.2024}

Talaado 02 julay 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani...

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan

Talado july ,2 2024 (HMC)  Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA