Tuesday, July 2, 2024
spot_imgspot_img

Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukunno adag ku riday koox Burcad-badeed ah

Sabti 29 June 2024 {HMC}  Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukunno adag oo xabsi ah ku riday, rag loo heesto in ay katirsanaayeen kooxaha burcad-badeeda Soomaalida ee mararka qaar maraakiibta shisheeye afduubka u geesta.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku ayaa soo gudbiyay dacwado ka dhan ah shan nin oo loo heestay in ay katirsan yihiin burcad-badeed, waxaana xafiiska Xeer ilaalinta soo gudbisay caddeymo ka dhan ah kooxdan maxkamadda lasoo taagay.

Kooxdan burcad-badeeda Soomaalida ah ayaana lagu helay eedeymaha lagu soo eedeeyay ee ahaa in ay yihiin burcad-badeed, waxa ayna raggan qaarkood qirteen in dambiyada lagu soo oogay qaar kamid ah ay galeen.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa markii ay aragtay oo ay dhegaysatay dhammaan eedda iyo caddeymaha uu soo bandhigay xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxay eedeysaneyaasha ku heshay eedaha lagu soo eedeeyey, waxayna ku xukuntyay 5 sano, 3 bilood iyo 10 maalmood oo xadhig ah.

Ragga xukunka xabsiga ah lagu riday ayaana kala ah:

1. C/kariin Saalax Maxamed Maxamuud (Awkoombe).
2. Maxamed Cali Cismaan
3. Axmed Cali Yaasiin
4. Abshir Maxamed Jaamac
5. Maxamed Cumar Jaamac

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {02.07.2024}

Talaado 02 julay 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani...

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan

Talado july ,2 2024 (HMC)  Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA