Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweyne Joe Biden oo qiray in ay jiraan dhibaatooyin badan uu ka dhaxlay da’diisa

Sabti 29 June 2024 {HMC} Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, ayaa olole xooggan ugu jira sidii mar kale ugu guuleysan lahaa xilka Madaxweynaha, waxa uuna loollan adag oo dhanka doorashada la galayaa Madaxweynihii uu kursiga kaga guuleystay ee Donald Trump.

Doorashada dalka Mareykanka ayaa dhaceysa bisha November ee sannadkan, waxaan doorashada ku tartamaya labada xisbi ee Dimuquraadiga iyo Jamhuuriga ay kala matelayaan Joe Biden iyo Donald Trump.

Madaxweyne Joe Biden ayaa qiray in ay jiraan dhibaatooyin badan uu ka dhaxlay da’diisa oo weyn, waxa uu xusay in wax walbo ay ku yimaadeen isbadal , isagoona wacad ku maray in uu doorashada kaga adkaan doono musharaxa la tartamaya.

“Hadaan runta muuqata sheego, waan ogahay inaanan ahayn nin dhalinyaro ah, in aan u socon karin sidii aan horey ugu socon jiray, oo aanan u hadli karin sidii hore, oo aanan u dooni karin sidii hore – laakiin waxaan hubaa in aanan mar kale afar sanno oo kale aanan u tartami laheyn hadii aanan hubin in aan shaqadan qaban karo” ayuu yiri Joe Biden.

Madaxweyne Joe Biden oo 81-sanno jir ah ayaa habeen hore dood la yeeshay musharaxa la tartamaya ee Trump, taageerayaasha Biden ayaana ka niyad jabay sida uu dooda u maareeyay, iyaga oo aaminsan in da’diisa oo weynaatay suurto gal tahay in laga adkaado.

WARARKA