Tuesday, July 2, 2024
spot_imgspot_img

Faysal Cali Waraabe oo Sheegay In Soomaliya Iyo Jabuuti ku tashateen in soomaliland la weeraro

Sabti 29 June 2024 {HMC} Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Jabuuti iyo dowlada Soomaaliya ay maleegayaan qorshe lagu waxyeelaynayo Somaliland.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in lagu tashaday in markale la daadiyo dhiiga shacabka Somaliland, isla markaana la burburiyo nabadooda.

“Waxa lagu tashaday in dalkeena laga soo weeraro dhinaca Jabuuti iyo dhinaca Laascaanood, sidii 1988 kii ayaa maanta markale dhiigeena la xalaashaday, waxa lagu tashaday in Somaliland la burburiyo” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuu ayuu ku eedeeyay in uu maleegayo qorshe Somaliland lagu waxyeelaynayo, si aan Somaliland loo aqoonsanin.

Dhinaca kale, madaxda Somaliland ayuu ku tilmaamay qaar aan war badan ka hayn waxa dhacaya, isaga oo ku baaqay in shacabka Somaliland ay u diyaar garoobaan isdifaacooda.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {02.07.2024}

Talaado 02 julay 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani...

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan

Talado july ,2 2024 (HMC)  Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA